Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya sanadka 2018-ka sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Midowga Afrika.
Guddoomiyaha midowga Afrika ee ammaanka iyo nabadgelyada Ismaaciil Chergui ayaa sheegay in hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ay ka baxayaan Soomaaliya iyadoo Soomaaliya ay qaadan doonto kaalinta la baneeyey.
“Waxaan qorsheyneynaa inaan tababarno oo aan qalabeyno ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ka hor inta aynaan ka bixin dalka” ayaa ku yiri Smail Chergui shir jaraa’id intii lagu guda jiray xiritaanka shirkii 27 ee madaxda midowga Afrika ay ku yeesheen magaalada Kigali ee dalka Rwanda.




From the comments