Kulan looga hadlayay amaanka degaanada muranka uu ka taagan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag isla markaana qaarkood ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Saraakiil ka socotay dhanka ammaanka ee Puntland ayaa ka qayb galay kulankaas oo lagu soo hadal qaaday dagaalka kasoo cusboonaday degaanno hoostaga gobolka Sanaag kaas oo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhawac.
Inta uu socday kulankan ayaa xubnihii ka qayb galay waxa ay ku soo bandhigeen qaabka ciidamada Somaliland gacanta ay ugu dhigeen xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Maamulkaas, iyo sidoo kale qorshaha Puntland ay hadda waddo.




From the comments