Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed lana hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in suurtagal ay tahay in doorashadu dib u dhacdo muddo Bil ah hase ahaatee uu xusay in dalka doorashooyin ay ka qabsoomi karto.
“Doorasho dalka waa ay ka dhacaysaa suurtagal waxaa ah in bil ay dib u dhacdo waxana rajaynayaa in si hufnaan ah ay ku dhacaan “ ayuu yiri Caalim
Waxa uu sheegay Caalim in arinta kale ee caqabada noqon karto ay tahay dhaqaalaha ku baxaya doorashada oo ay ballan qaadeen bixinteeda deeq bixiyeyaasha waxa uuna ku celceliyay in dalka dhaqaalle ku filan uusan lahayn.




From the comments