Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose kaasi oo dad badan lagu qabtay.
Inta la xaqiijiyey waxaa howlgalkaan ay ciidanka ku qabteen 20 qof oo lala xiriirinayo inay wada shaqeyn la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in howlgalkaan laga sameeyay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Baraawe.




From the comments