In ka badan 40 carruur ah oo ku nool Wajer iyo tuulooyinka ku hareereysan ayaa la sheegayaa inay la il daran yihiin cudurada ku dhaca maqaarka ah.
Xasan Salaad Geedi iyo Abshir Salaad Geedi, waa 2 walaalo ah oo ka mid ah carruurta uu cudurkan ku dhacay kaasoo sida ay sheegeen dadka deegaanka aan horay loo arag.
Sida ay dhakhaatiirta sheegeen cudurkan waxaa la dhahaa ICHTHYOSIS kaas oo calaamadaha lagu garto ay ka mid yihiin: Maqaarka oo qalala kadibna jeexjeexma, dheecaan iyo xanuun fara badan.




From the comments