Ciidamada Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyed ayaa habeenkii xalay ahaa soo bandhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, lana sheegay in la dhigay meel waddo dhinaceeda ah.
Guddoomiyaha degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga meesha la dhigay ay aad ugu badan yihiin dadka shacabka ah.
Gaarigan noociisa ayaa ah NOHA, waxaa saarnaa qalab kala duwan oo la sheegay in loo adeegsado qaraxyada, waxaa ka mid ahaa Haamaha Gaaska, Biro kuwa shubka ah oo la jarjaray, Boolal waaweyn, Fiilooyin iyo Fuusto Barmiil ah oo iyana wax badan ay ka buuxeen.





From the comments