Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashid ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi Caare oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Janaraal Caare ayaa muddo dheer ka tirsanaa ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed, waxaa uu maanta ku geeriyooday caasimadda Muqdisho
“Janaraal Caare waxa uu ahaa shaqsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu sameyn lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.




From the comments