Dowladda Burundi ayaa Soomaaliya u soo dirtay ciidamo kuwaas oo ka mid ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM, ciidamadan ayaa bedelaya kuwa kale ee horay uga baxay Soomaaliya kuwaa oo joogay dalka muddo Hal sano ah sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Burundi.
“tan iyo bilawgii bishan waxaan dirnay labo urur oo ku biiraya askarta AMISOM ee Soomaaliya jooga kuwaas oo tiradoodu tahay 1,700 oo nabad ilaaliyaal ah iyo 200 oo kale looguna talagalay inay ilaaliyaan xarumaha ciidamada dalka Burundi ayuu yiri afhayeenka ciidamada dalka Burundi Colonel Gaspard Baratuza.
Dalka Burundi ayaa ciidamadiisa geeyey Soomaaliya snadkii 2007dii waxaana ciidamadu ay gaareen guulo la taaban karo sida afhayeenku sheegay.




From the comments