Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu caleemo saaro Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
Magaalada Beledweyne waxaa gaaray Odayaa dhaqameed, siyaasiyiin iyo xubno ka socda Labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ammaanka guud ee magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana mashquul badan laga dareemayaa Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo mas’uuliyiin kala duwan ka degayaan.




From the comments