Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in dibadbax ballaaran ay halkaasi ka billaabeen shacab ka careysan xukun dil ah oo shalay maxkamadda ciidamada Somaliland ku ridday 8 qof oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen dilka Taliyahii ciidanka Saaxil ee Somaliland.
Dadkaan ayaa isugu soo baxay wadada Sheekh ee isku xirta magaalooyinka Burco iyo Berbera, waxaana dadka ay sheegayaan in xukunkaasi aanu sharci ahayn.
Wadadan oo marinkeedu muhiim yahay ayaa la sheegay in dadkani ay ku gooyeen gaadiid iyo dhagxaan.




From the comments