Ciidamada Al-shabaab Oo Billaabay Inay Isku Uruursadaan Deegaanno Ku Dhow Degmada Guriceel, Galgaduud
Sheeko:Dalka

Ciidamo badan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan oo aad u badan ay gaareen deegaannada kala ah Biyo Cadde iyo War-xoolo, kuwaa oo ku dhow degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Lama oga ulajeedka ciidanka ka tirsan Al-shabaab loo soo dhoobay deegaannadaasi, balse waxaa jiray maalmahan dhaq dhaqaaqyo sidan oo kale ah oo ay gobolku ka wadeen.
Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sheegay in ciidankaan Al-shabaab ee yimid deegaannada Biyo Cadde iyo War-xoolo ay kasoo ambabaxeen degmada Ceel-dheer iyo deegaanno kale oo degmadaasi ku dhow.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News