Wararka ka imaanaya degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay faarujiyeen degmadaasi oo shalay gelinkii dambe kala wareegeen Al-shabaab.
Wariyaasheena ku sugan gobolkaasi ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay si nabad ah isaga baxeen degmadaan oo ay saacado dhowr ah ku sugnaayeen.
Lama soo sheegin wax dagaal ah oo ay kala kulmeen Al-shabaab intii ay ku sugnaayeen Aw-dheegle, marka laga reebo markii ay qabsanayeen shalay degmadaasi oo iska caabin kala kulmeen Al-shabaab.




From the comments