Goobjoog News ayaa u suurta gashay in si horudhac ah u hesho khasaaraha ka dhashay Labo qarax oo goor dhow ka dhacay Albaabka xerada Xalane kuna dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiayey 12 qof aoo isugu jira ciidamo iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoo la xaqiijiyey dhaawaca 2 ruux balse khasaaraha uu intaasi ka badan karo.
Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News oo gaaray halka qaraxyadan ay ka dhaceen ayaa soo sheegaya in hadda gaadiidka gurmadka degdegga ah ku mashquulsan yihiin qaadista dadka waxyeellada soo gaartay.





From the comments