Maanta waxaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ka furantay bandhigga Carwada Buugaagta, iyadoo uu furay madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Munaasabadda furitaanka carwadaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 570 buug oo ay qoreen Qoreyaal Soomaali iyo Ajaanib isugu jira oo ay ka mid ahayd gabar da’deeda lagu sheegay 12-sanno jir qoraa Soomaaliyeed ah, waxaana buugaagtaasi diiradda lagu saarayey dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida, Murtida Soomaalida iyo Hodontinimada Afka Soomaaliga.
Madaxweynaha Puntland oo munaasabadda furay ayaa ugu horreyn bogaadiyey qoreyaasha kasoo qayb galay munaasabadda bandhigga buugaagta, kuwaas oo ka kala yimid meelo aad u kala fog oo ka ka mid ah daafaha caalamka.




From the comments