Mas’uuliyiinta ugu caansan xisbiga dimoqoraadiga sida madaxweyne Obama, ku xigeenkiisa Biden, ninka ku xigeenka u ah Hillary ee Kaine iyo ninka 6-aad ee addunka u qanisan Bloomberg ayaa taageeray Hilarry Clinton iyaggoo weerar afka ah ku qaaday Donald Trump.
Madaxweyne Obama waxaa uu sheegay in Hillary ay tahay qofka ugu haboon jagada madaxweynimada Mareykanka isagoo shacabka Mareykanka u sheegay in ay kala doortaan rajo iyo cabsi, waxaa uu Donald Trump ugu yeeray nin ay waddada ka luntay oo midabtakoor iyo cabsigelin shaqo ka dhigtay.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Biden ayaa dhalceeyay Donald Trump isagoo ku sheegay Malyuuneerka in uu isku dhex yaacay oo aan lagu aamni Karin in uu noqdo ninka maamulaya ama mas’uulka ah ciidamada Mareykanka.




From the comments