Kulanka wada tashiga hidiso sharciyeedka jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, si ayaa waxaa looga tashayaa arrimaha ku saabsan jinsiyadda.
Shirka oo socon doono 3 maalin waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socdo maamul goboleedyada dalka, Culimo, bulshada rayidka iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa iyo dad kale.
Xubnihii kulan ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sharciyad jinsiyadda la helo si look ala ogaado muwaadinka iyo qofka aan muwaadinka aheyn, Maadaama hadda dalka looga dhaqmo sharciga kii ka horeeyay.





From the comments