Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Maamulka Koongur galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Maamulka uu sidii loogu talagalay u qeybinayo deeqdii gargaar ee ka timid Turkiga islamarkaana kala wareegtay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya,
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ka Koonfur Galbeed ahaan ay si weyn ugu baahnaayeen deeqdani oo shalay xukuumadda federaalku ay ku wareejisay Saddex maamul oo uu maamulkaasi kamid yahay.
Waxa uu sheegay in kaamam barakacayaal oo ku yaalla goballada Shabeellaha Hoose, Bay iyo Bakool uu gaarsiin doono maamulka Koonfur Galbeed.




From the comments