Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ammar dhawaan kasoo baxay guddoomiyaha gobolkaasi, kaasi oo ku aadan in shirar siyaasadeed aanu ka warqabin maamulkaasi lagu qaban karin gobolka Hiiraan.
Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo ah guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in marnaba aysan raali ka ahayn ammarkaasi, islamrkaana la arki doono sida uu ku dhaqan geli lahaa ammarkaasi.
Ammarkaan ayuu ku sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu caburiyo nabadoonnnada oo uu tilmaamay in maalmahan dambe ka shirayeen aayaha gobolka Hiiraan.




From the comments