Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay shir ballaaran oo ay wada yeesheen madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehlinayaan ku xigeenkiisa iyo xubno ka mid ah Labada gole ee maamulkaasi iyo Qurbe-joogta Puntland.
Shirkaan ayaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan kaalinta Qurbe-joogta ee dalka, waxaana laga wada hadlay sidii dadka Soomaaliyeed ee dibadaha jira gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland maalgashi ugu sameyn lahaayeen deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.
Inta badan dadkii shirkaasi ka qeybgalay ayaa halkaasi hadallo ka jeediyeen, waxaana ay sheegeen in ka Qurbe-joog ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka qeybqaataan horumarada dalka.





From the comments