Sanaag: Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland Oo Gabagabo ah
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashada Somaliland ee Madaxtooyada iyo baarlamaanka ee bisha April 2017 ayaa maraysa gobolka Sanaag oo noqonaya kii 5-aad.
Diiwaangelintan warqadda codeynta doorashada oo gobolka kasta ka soconeysey 21 maalmood ayaa gobolka Sanaag waxay u mareysaa maanta maalintiisii 15-aad.
Gobolkan oo ah dhulka ugu ballaaran marka loo eego deegaannadii hore ee diiwaangelinta uga soo qabsoontay ayaa horraantii diiwaangelintaan waxaa gobolka Sanaag ka billowday dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah diiwaangelinta oo isku bedalay dagaallo dhexmara Puntland iyo Somaliland.
Saddexdii maalmood ee ugu horreysay diiwaangelintan ayaa waxaa bulshada wacyigelin u sameynayey guddiga doorashooyinka Somaliland iyo xisbiyada maamulkaasi ka jira qaarkood.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa bulshada halkaasi kula hadlay, isaga oo ku dhiirogeliyay inay qaataan kaarka codeynta.
“Caqabado badan oo dhinaca Koonfurta iyo Bariga Sanaag yaalla inaan wax ka qabanno aad baan ugu dadaaleynaa, arrintan ma ahan mid xisbi ama qolo gooni u gaar ah, waa laga yaabaa in reer Sanaag ay leeyihiin qolo yeesan kaa badin, laakiinse danta guud haloo istaago”
C/raxmaan Maxamed oo ka mid ah ururo guddiga doorashooyinka Somaliland ka caawinaya qaadashada kaarka codeynta ayaa ka warammay halka ay marayso guud ahaan is diiwaangelinta gobolka Sanaag.
“2 Todobaad ayaa haray, Lix degmo oo gobolka Sanaag ah ayuu qorshaha ahaa in diiwaangelinta ka dhacdo, 2 ka mid ah kama aanay dhicin sababo amni iyo dagaallo ka dhacay, laakiin 4-ta kale waa ay ka dhaceen si wanaagsanna waa ay u socdaan, goobaha kale ee harsanna waxaa loo reebay sanaadiiq, waxaana la wareegayaa illaa dhulka baadiyaha” ayuu yiri C/raxmaan.
Diiwaangelinta waxaa lagu codeynayaa doorashada madaxtooyada iyo tan baarlamaanka oo la sheegayo in la is raacinayo bisha April 2017, laakiinse waxaa jirta cabsi dadka ay qabaan oo ah in meelaha qaar aanay suurta gal ka noqon in codeyn ay ka dhacdo gaar ahaan deegaannada hadda muranka ka jiro.
Goobjoog News