Qaraxyo xooggan ayaa goor dhaw waxay ka dhaceen nawaaxiga xarunta dambi baarista CID kuna dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyada ayaa ahaa kuwo aad u xooggan, waxaana laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo Labaduba la sheegayo in loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Qaraxa Koowaad markii uu dhacay waxaa xigay rasaas aad u xooggan, waxaana isla 2 daqiiqo gudahood ku dhacay qaraxii Labaad, iyadoo hadda rasaas culus ay dhaceyso.




From the comments