Goobjoog

3,000 Tahriibayaal Ah Oo Ku Dhintay Xeebaha Libiya

In ka badan 120 Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay badda Mediterranean-ka iyagoo doonayey in ay u gudbaan dhanka qaaradda Europe bishan. Duqa magalada Liibiyaanka ah ee Sabratha ayaa waxaa uu sheegayaa…

3,000 Tahriibayaal Ah Oo Ku Dhintay Xeebaha Libiya

In ka badan 120 Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay badda Mediterranean-ka  iyagoo doonayey in ay u gudbaan dhanka qaaradda Europe bishan.

Duqa magalada Liibiyaanka ah ee Sabratha ayaa waxaa uu sheegayaa in hal maalin keliya ay dhinteen ilaa 53 qof oo dhamaantood u socday in ay u gudbaan dhanka Yurub.

Dadkan ku qariqmay badda ayaa waxaa ay ka soo carareen dalalkooda oo inta badan ay jiraan dhibaatooyin banii’aadamnimo, waxaana ay Yurub u raaceen doomo laakin Yurub inta aaney gaarin ay qariqmeen.

Ilaa  3,000 oo Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga ee Mediterranean-ka sanadkan, dadkaas intooda badan waxaa ay u socdeen dalka talyaaniga sidaa waxaa sheegtay International Organization for Migration (IOM).

In ka badan  90,000 oo tahriibayaal ah ka gudbay  Mediterranean-ka una gudbay Talyaaniga sida ay sheegtay IOM.

Doodamahaas inta badan waxaa ay ka baxayeen magaalada Sabratha.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments