Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenkii xalay ahaa degmada B/xaawo ee gobolka Gedo loogu geystay Nabadoo caan ka ah degmadaasi, kaa oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Idiris Cabdi Aadan.
Rag ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in ay dileen Nabadoonka xilli isaga iyo nabadoon kale ay kasoo baxeen masjid ku yaalla degmadaasi, waxaana dhaawac uu soo gaaray nabadoonkii kale ee la socday Nabadoon Idiris.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada B/xaawo ayaa sheegay in ragga dilka ka dambeeyay ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, islamarkaana la baadigoobayo.




From the comments