Sida qorshaha yahay maanta oo Talaado ah 2-da August ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka madasha Wadatashiga qaran oo arrimo xasaasi ah looga hadli doono.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo 30-ka bishii tagtay la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 2-da bisha August oo maanta ku beegan uu shirkaan furmi doono.
Wasiirka wuxuu sheegay in shirka ay ka qeybgali doonaan guddiga doorasho dalka oo warbixin ku aadan doorashooyinka u gudbin doona hoggaamiyeyaasha madasha wadatashiga qaran.




From the comments