Wafti ka socda dowladda Ingiriiska ayaa Talaadadii kulan gaar ah la yeeshay madaxa Soomaalida, waxaa xoogga lagu saaray kulanka dib u dhaca doorashada iyo wadada loo marayo doorashada 2016-ka.
Tobias Ellwood oo wasiirka Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska ayaa Talaadadii Muqdisho kula kulmay madaxda Soomaalida, Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul wasaaraha iyo madax kale isagoo ka digay in dib loo dhigo doorashada.
Ellwood oo kulammada kadib, Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Ingiriiska uu walaac ka qabo dib u dhac badan oo ku yimaada doorashada, isla markaana ay ka digayaan in arrintaasi ay dhacdo, isagoo intaa raaciyay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ay dadka ka hor wareegaan xiligooda marka uu dhamaado.




From the comments