Howlgallo ciidamada ay ku baarayaan dadweynaha iyo gaadiidka ayaa xalay illaa saaka ka soconaya xaafadaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxaa la arkayaa ciidamo badan oo gaaf wareegaya xaafadaha Baladweyne, sidoo kalena baaaraya dhammaan gaaadiidka soo galaya magaaladaasi.
Taliyaha saldhigga Booliiska B/weyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo si kooban ula hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalladaan ay yihiin oo kaliya kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi.



From the comments