Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Ceel-cali ee gobolkaa Hiiraan.
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen halkaasi.
Ibraahim Xuseen Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda ee deegaanka Ceel-cali ayaa u sheegay Goobjoog News in ay iska difaaceen dagaalyahannada Al-shabaab, islamarkaana dhankooda uu ka dhaawacmay Hal askari waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments