Hoggaamiyaha dhaqanka beelaha dega Galbeedka Somaliland Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa sheegay iney arrin cadaalad darro ah ku tahay in doorashada lagu galo baarlamaanka sanadka 2017 ka, xeerkii lagu galay doorashadii tan ka horreysay ee 2005, taas oo ahayd in beelaha dega galbeedka Somaliland ay baarlamaanka ka heleen 12 xildhibaan oo kaliya.
Suldaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ay ka codsanayaan in xeerkaasi wax laga bedalo:
“Qeybta saami qeybsiga golayaasha qaranka ee Somaliland oo muddo badan la sugayay wakhti badanna qaadatay, in wadadaasi waddo khalad ah inay ahayd, wax khalad ah ma socdo halkeedii ayay ku soo noqotay; waxaase saa’id noqotay oo mid aan fahmi weynay noqotay, waxaa meesha ku jirtay in 1960kii marjaca loo noqonayaa halkaa yahay, haddii 1960kii loo noqonayo in Soomaaliya iyo Somaliland ay kala go’do maaha, Somaliland waxay u go’day waxay ahayd; dulmi iyo saamiga oo ay ka cabaneysay wixii ka dhacay bay ahayd”.




From the comments