Abukar Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlay magaalada Jowhar waxa uu sheegay in xafiisyada Garsoor ee gobolkaasi ay xilligaan yihiin goob lagu baado hantida dadweynaha.
Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in garsoorka ka jira Shabellaha dhexe aanu ahayn mid hufan, islamarkaana Laaluushka aan lala gamban waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Shacabka Soomaaliyeed dhibaaatada ugu badan waxay ka haysataa dhanka Garsoorka, garsoorka ka jira Shabellaha dhexe ma ahan mid hufan, waa mid dadka lagu kawaano, Laaluushkana qaris malahan, dadkuna kalsooni kuma qabaan garsoorkan, sidii loo fulin lahaa xukunnadaasina maamulka iyo hay’adaha amniga dhib bay kala kulmaan, gorgortan kama galeyno difaaca hantida shacabkeenna” ayuu yiri Abukar Cali.




From the comments