Musharaxa madaxtinimda xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Soomaalida deggan dalkaasi iyo sidoo kale dadka kale ee qaabka qaxootiga ku jooga dalka Maraykanka.
Waxa uu sheegay in Soomaalida iyo dadka kale ee soo galootiga ahba dhammaantood ay yihiin kuwo qatar ku ah amniga iyo jiritaanka Maraykanka.
Trump ayaa tilmaamay in Maraykanka ay soo weerareen Muslimiin soo galooti ah isaga oo sheegay in haddii uu guuleysto uu arrintaasi dagaal dhab ah ka geli doono waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments