Maamulka Puntland ayaa sheegay in waxbo kama jiraan ay tahay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaareen garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Yuusuf Dhagweyne oo ah maareeyaha garoonkan ayaa sheegay in garoonka xaaladiisu tahay mid hagaagsan, waxaana uu sheegay in aanu jirin askar ka tirsan dowladda oo halkaasi ku sugan.
“Waxaan idiin sheegayaa in aanu waxbo ka jirin garoonka in ay ciidanka Milatariga qabsadeen, warkaas waxaa faafiyey warbaahinta Koonfur, diyaaradaha si caadi ah bay u shaqeynayaan” ayuu yiri maareeyaha.




From the comments