Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa dhigay dibadbax ka dhan ah murashaxa jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump kadib markii uu weerar afka ah ku qaaday qaxootiga Soomaalida ee Mareykanka.
Trump oo soo xiganayey qoraal ay sameysay wargeyska Washington Times 2015kii, waxaa uu sheegay in Soomaalida qaxootiga ku ah Minnesota ay shaqo la’aan heyso arrintaasna ay dhiirigelineyso kooxaha argigixisada in ay ka faa’ideystaan.
Iyadoo taasi laga jawaabayo, Waxaa magaalada ka dhacay dibadbax lagu diidan yahay siyaasadaha Donald Trump ee ku aadan Soomaalida iyo Muslimiinta Mareykanka.




From the comments