Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in aanu jirin wax fashil ah oo ku yimid shirka maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaal badan oo lagu doonayo in la isugu keeno Labadaasi gobol, islamarkaana la helo maamul Labadaasi dhinac ku mideysan yihiin.
“Arrinta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ma aaminsani inay fashilantay, annaga IGAD xubin baan ka nahay waxay nagala shaqeysay Kismaayo, Baydhabo, hadane waxay nagala shaqeynaysaa Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, in IGAD ay ku jirto micnaheeda ma ahan dowladda Federaalka kuma jirto, waxaan isleeyahay dadaalkaasi ma fashilmin waan ku jirnaa, mana ka quusan, ma rabno cidna in la juujuubo” ayuu yiri wasiirka.




From the comments