Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono dhammaan ciidamada maamulkaasi ee ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga maamulkaasi Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda ay wadaan dedaal ballaaran oo ku aadan kala habeynta ciidamada.
Waxa uu tilmaamay in dhammaan ciidamada Jubbaland meel walbo oo ay Saddexda gobolka ka joogaan in loo kala qeybin doono Daraawiish, Nabad sugid iyo Booliis.




From the comments