Maamulka dowladda Hoose ee magaalada Garoowe oo kaashanaya ciidamada amniga ee magaaladaasi ayaa howlgallo waddo furis ah waxay ka billaabeen xaafado badan oo ku yaalla magaaladaasi.
Ulajeedka howlgalladaan ayaa ah sidii loo burburin lahaa dhammaan dhismayaasha sharci darrada ah ee ku yaalla hareeraha waddooyinka magaaladaasi.
Waxaa la arkayaa gaadiidka loo yaqaan cagafta oo burburinaya sandaqado laga dhisay hareeraha waddooyinka iyo sidoo kale dhismayaal halkaasi ku yaalla.




From the comments