Saraakiisha ciidamada la magac baxay difaaca Buuhoodle ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay ku amreen madaxweynaha maamulkaa Khaatumo Cali Khaliif Galeyr in 24-saac uga baxo degmadaasi.
Waxay sheegeen saraakiishaan in Galeyr uu ka wado Buuhoodle abaabul ah wada hadal lala yeesho maamulka Somaliland, sidaa darteedna aanay aqbali doonin in magaalada uu sii joogo.
“Annaga oo ah ciidamada difaaca Buuhoodle, waxaan caddeynaynaa in aan raali ka ahayn siyaasadda Cali Khaliif Galeyr, marar badan baan ka diidnay siyaasaddaasi, laaakiinse maanta waxaa la helay caddeyn ah in wada hadal uu la galayo Somaliland, sidaa darteed waxaan Galeyr u sheegaynaa in 24-saac uu degmada Buuhoodle uga baxo” sidaasi waxaa yiri C/fitaax Geesdiid oo ka mid ah saraakiishii ku kulmay Buuhoodle.




From the comments