Madaxweynaha maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galayr oo ka hadlay wadahadal dhawaan magaalada Caynabo ee gobolka Sool ku dhex maray masuuliyin ka kala socotay Khaatumo iyo Somaliland, ayaa sheegay inay khaatumo ahaan soo dhaweynayaan in ay Somaliland wadahadal la furaan.
Cali Khaliif oo aan faahfaahin qodobada gundhigga u ah wadahadalka labada dhinac, ayaa waxa uu magaalad Buuhoodle kula hadlay warbaahinta una sheegay in nabad laga gaaro ay sal u tahay arrimaha ay Somaliland iyo Khaatumo isku hayaan oo laga wadahadlo; “wadahdal bilaw ah ayaa meeshaas ka soo baxay, hadal aad iyo aad u fiican iyo dood aanu kaga wadahadlayno danahayaga naga dhexeeya iyo inta badan ee aanu anagu gaar u leenahay, hadalkaasu wuu noo bilaabmay waananu u ballansanahay in wadahadallo kale Khaatumo iyo Somaliland ay gali doonaan dan gaar ah oo ay Khaatumo ka wadataa majirto” ayuu yidhi Madaxweyne Cali Khaliif.
Cali Khaliif ayaa sidoo kale sheegay inay mar kasta ka masuul yihiin shacabka Khaatumo ee uu xilka u hayo waxaanu sheegay inay maamul ahaan ka go’an tahay meel marinta nabadda iyo deganaanshiyaha ee deegaanada Khaatumo waxaanu yidhi, ” shacabka Khaatumo meel ay joogaanba waa kuwii xilka nagu aaminay ee na doortay markasta waxay naga filanayaan inaanu danahooda ka shaqayno”.




From the comments