Taliska ciidanka Booliiska gobolka Bari ayaa waxbo kama jiraaan ku sheegay warar sheegayey in lacago laaluush ah ay ka qaataaan dadka lasoo qabto iyaga oo tahriibaya.
Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadooda ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista lasoo qabto, sidoo kalena aysan lacag kusii deyn dadka tahriibka ah.
Wuxuu sheegay in hadda ay hayaan 200 oo qof oo dhawaan ay ciidamada ammaanka kasoo qabteen magaalada Boosaaso, islamarkaana baaritaan kadib cid walbo wixii sharciga qabo la marsiin doono waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments