Taliska ciidanka Booliiska gobolka Mudug ee Puntland ayaa wada shaqeyn ballaaran waxa uu ka dalbaday ardayda wax ka barta iskuullada ku yaalla gobolkaasi gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha Qaybta booliska gobolka Mudug Cabdullaahi Cabdulle Warsame oo booqasho ku tagey iskuullada ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka dalbday ardayda in kaalin weyn ka qaataan nabadda gobolka.
Wuxuu sheegay taliyaha in ardayda ay yihiin kuwa ugu horreeya ee amniga dan ugu jirto sidoo kalena kaalinta ugu weyn ka qaadan kara sugista amniga gobolka Mudug.




From the comments