Markii ugu horreysay maamulka Gaalkacyo ee dhanka Puntland ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhowaan degay garoonka diyaarada C/laahi Yuusuf ee magaaladaasi.
Duqa Magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiim Tumay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwa gaarka u tababaran ee loo yaqaano Danab, islamarkaana halkaasi ay u tageen howlgallo amniga la xiriira.
Mr Tumay ayaa sheegay in aanu waxbo ka jirin warar sheegaya in ciidamadan ay u tageen Gaalkacyo inay la wareegeen guud ahaan garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusf, balse ay tahay oo kaliya in howlgallo amni ay ka sameeyaan magaalada Gaalkacyo guud ahaan.




From the comments