Mas’uuliyiinta gobolka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa si kulul uga hadlay howlgal la sheegay in habeenadii lasoo dhaafay ay Koonfurta magaaladaasi ka sameeyeen ciidamada Danab ee dowladda Soomaaaliya.
Xirsi Yuusuf Barre oo ah duqa magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in waxbo aanay kala socon howlgalladan islamarkaana ay ciidankaasi dhinac socdaan ciidamo Maraykan ah iyo kuwa Puntland.
“Habeenadaan dambe waxaa qalqal la geliyey degmada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug, Odayaal 80 sano jiro ah ayaa guryahooda lagala baxay, annaga waxbo kama ogin, waxaa naloo sheegay in ciidanka ay yihiin kuwa Danabd laakiinse gadaal waxaan ka ogaannay inay la socdaan kuwo Maraykan ah iyo kuwa Puntland, waxaan u aragnaaa wax umadda deriska ah la isaga horkeenayo, dhinac ka mid ah haddii warbixin laga soo qaato oo dhinac kale lagu fuliyo qaladaad badan baa ka dhici kara, waxaan leeyahay xogta markii la qaadanayo dhinacyada ay quseeso hala weydiiyo, annaga waxaa inoo jooga ciidamadii oo dhameystiran, wixii dambiilayaal ah ee jooga deegaankeenna annaga ayaa qaban karna, dadkii maxaabiista ahaa ayeey Puntland xageeda u gurayaan, Danab wey sheegteen laakiinse wax caddeynaya ma hayno”




From the comments