Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kormeer ku tagey xarumo ciidan iyo sidoo kale qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada ee ku yaalla magaaladaasi.
Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada Booliiska ee ku sugan magaalada Baydhabo, sidoo kale waxa uu kormeeray xabsiga dhexe ee magaaladaasi.
Ulajeedka safarkiisa Baydhabo ayuu ku sheegay taliyaha ka warqabka ciidamada Booliiska iyo kormeerka shaqooyinka ay hayaan.




From the comments