Dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ah dallad ay ku midaysanyihiin 54 ururro dhallinyaro oo ka jira Somaliland ayaa xukuumadda waxay ka codsadeen in maalgelinta dekedda Berbera doorka ugu weyn laga siiyo shaqo abuurka dhallinyarada .
War-murtiyeed ka soo baxay xarunta dalladda ee magaalada Hargeysa waxa lagu sheegay in dhallinyarada Somaliland ay haysato shaqo la’aan baahsan taasi oo marar badan sababta inay koox-koox u tahriibaan .
“ waxaanu taageersanahay maalgelinta dekedda Berbera iyo midkasta oo dalka dhaqaale abuur u noqon karta balse waxa ugu weyn ee aan codsanayno ayaa ah in dhallinyarada markasta kaalinta koobaad laga dhigo sababta oo ah waa awooddii dalka waxaana haysata shaqo la’aan baahsan oo qofkasta ogyahay“, waxa sidaasi lagu sheegay war-murtiyeed dalladdu ay soo saartay, oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha SONYO Siyaad Cumar Cali.




From the comments