Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo arrimaha bini’aadanimada ee Puntland ayaa digniin xooggan kasoo saartay qatar ka dhalan karta Roob yaraan ay sheegeen inay kusoo wajahan tahay deegaannada Puntland.
Maareeyaha hay’addan C/laahi Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hay’adaha saadaaliya hawada ay soo sheegeen in deegaannada Puntland aanu roob badan ka da’een xilliga deyrta.
Wuxuu tilmaamay in hay’ada ahaan ay dareemayaan cabsi xooggan, islamarkaana haddii roob yaraan dhacdo ay sii xoojin karto xaaladda abaaareed ee dalka ka jirta.




From the comments