Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe kadib markii uu magaalada Muqdisho uga qeybgalay shirka madasha Wadatashiga Qaran ayaa ka hadlay wada hadalka ay yeelanayaan Somaliland iyo maamulka Khaatumo.
Wuxuu sheegay Gaas in marnaba aanay aqoonsaneen maamul la yiraadho Khaatumo, islamarkaana Cali Khaliif uu yahay qof shaqsi ah oo aan matalina gobollada Sool iyo Sanaag.
“Waan maqlayey ninka la yiraahdo Cal Khaliif oo leh Somaliland baan heshiis la galeynaa, Cali Shaqi buu ahaa, maamul la yiraahdo Khaatumo oo aan aqoonsannahay ma jiro, waxaan is leeyahay cudurka Cali ku dhacay waa qofka, qofka isaga dhiba markii dambe jeclaada, cararka hadba uu meel ka cararayey ee Somaliland cayrsaneysay buu ku jeclaaday baan u maleynayaa”




From the comments