Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aankii shalay kasoo baxay shirka madasha Wadatashiga qaran iyo kuwii ka horreeyay ee horay madashu u gaartay aanay ahayn kuwo ku saleysan in loo hiiliyo cid gaar ah ama deegaan gaar ah.
Waxa uu sheegay madaxweynaha in go’aanadaasi ay yihiin kuwo loogu hiilinayo guud ahaan Soomaaliya.
“Waxaan rabaa in bulshada Soomaaliyeed u sheego in go’aannada madasha marnaba aanay ku saleysneen in cid gaar ah loo hiilyo cid gaar ahna laga hiiliyo ama degaan gooni ah loo hiiliyo deegaan gooni ahna laga hiiliyo, laakiin waxa lagu shaqeynayo waa in Soomaaliya loo hiiliyo, Soomaaliya loo hiiliyaana waa in Soomaaliya horay u socotaa oo dibna u noqon, aana la dhihin meesheeda ma dhaafeyso, madaxda mar walbo wadatashi, wada xaajood, wadar ogol ayeey ku shaqeysaa” ayuu yiri Madaxweynaha.




From the comments