Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa soo dhaweeyay jadwalka geeddi socodka doorashada Soomaaliya ee sanadkaan 2016.
Waxa uu sheegay in jadwalkaan lagu soo saaray nidaam sax ah oo ku saleysan qaab cadaaladeed, isaga oo intaa ku daray in tani ay tahay wax aad loogu farxo.
Mr Moon ayaa hoosta ka xarriiqay in marba marka ka dambeysa ay Soomaaliya ku tillaabsaneyso horumaro dhan walbo leh, wuxuuna dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ku ammaanay dedaalka ay ugu jiraan sidii dalka loo horumarin lahaa.




From the comments