Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen suuqa ariga ee degmadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan 20 daqiiqo.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay inta uu la egyahay, hase ahaatee wariyaheena gobolka Shabellaha Hoose ayaa soo sheegaya in rasaas xooggan la maqlayey xalay.




From the comments