Dadweyne ku dhaqan magaalada Burco ayaa ka cabanaya biyo yaraan soo waajhaday magaalada 6-dii bilood ee ugu dambeysay noloshoodana saamayn xoog leh ku yeelatay.
Dadweynahan oo labo jeer oo kala duwan la hadlay warbaahinta, ayaa waxay sheegeen in lixdii bilood ee ugu dambeysay ay ka cabanayeen biyaha ay booyaduhu keenaan magaalada oo qiimohoodu aad u sarreeyo marka loo fiiriyo hayntooda dhaqaale.
Cabdi Warsame oo ka tirsan odayaasha Burco ayaa sheegay in qoyskiisa ay nolol ahaan taabatay biyo yaraanta ka jirta Burco, “ Waxaan ka cabanaynaa biyo yaraan oo maba helno gaar ahaan Lixdii bilood ee ugu dambeysay, waxa dhacda In booyadda dalabka ah nagala daahdo inay biyo noo keento qaali haba ahaatee way la daahaysaa oo meel durugsan ayay ka soo dhaaminayaan” ayuu Sheegay Cabdi Warsame .




From the comments