Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.
Madaxweynaha oo munaasabaddan khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado.
“Saxiixa sharcigan waxaa uu si cad uga tarjumayaa muhimadda aan siineyno dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha qof walba oo ku nool Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay inuu helo. Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha waxaa uu noqonayaa xafiiska ugu sarreeya dalka ee u xilsaaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta sida ay tahay loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee inoo degsan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.





From the comments